Sawirro: Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray Buulo burde Kulana la qaatay Qeybaha Bulshadda?

Madaxweynaha Hirshabelle oo  goor dhaw gaaray Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan, ayaa halkaasi kulamo ka bilaabay.

Maxamed Cabdi Waare oo ka soo amba baxay Magaalada Baledweyne, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Buulo burde, halkaasi oo iminka kulan kula leeyahay Maamulka Degmada.

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Manta Kulan La Qaatay Maamulka Degmada Buulo Burde Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowladda Soomaaliya waxaana looga Hadlayey Dhibaatada ka taagan Degmadaasi.

Gudoomiyaha Degmada Buulo Burde ayaa ugu Horeyn kulanka looga dhageeystay Dhibaatooyinka Haysta shacabka ku nool magaalada Buulo Burde waxa uuna Tilmaamay in Degmada ay ka jirto dhibaatooyin Fara Badan oo dhinaca Nolosha ah Sida Caafimaad Xumo Waxbarasho Yari iyo Gurmadka Dadkaasi la gaarsiinayo oo aad Uyar.

Sarakiisha Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM ayaa dhankooda Warbxin uu ka dhageeytay Madaxweynaha Hirshabeelle waxa ayna sheegen in amiga Degmada uu yahay Mid aad u wanagsan Marka laga Reebo Go’doonka ay ku Jirto Degmadaasi.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheekey in dhamaan Baahiyahaasi isla manta la daboolin Karin hase ahaate Qeyb qeyb ay wax ugu qabanayaan Ka Maamul Ahaan Dadka Reer Buulo Burde ayuu ka Dalbaday in ay la shaqeeyaan Maamulkiisa.

Waare 1 768x432
Waare 1 768×432