RW Kheyre Oo La Kulmay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa dhigiisa Dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn, waxuu kula kulmay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka.

Labada Ra’isul Wasaare ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Dowladood iyo xoojinta wada shaqeynta u dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa waxuu sheegay in Xukuumadda Addis Ababa ay ka go’an tahay taageerida iyo soo celinta Nabada Soomaaliya.

Dhiniciisa, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxuu soo dhaweeyay taageerida Dowladda Itoobiya, waxuuna tilmaamay in Xukuumadda Muqdisho aysan marnaba u dulqaadan doonin cid waliba oo wax u dhimeysa amniga Itoobiya.

Itoobiya ayaa ka mid ah Dowladaha ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.