Maxaa ka jiro in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug xabsi Guri la geliyay Xildhibaan ka hadlay?

Xildhibaan C/laahi Cumar oo ka tirsan Galmudug ayaa u sheegay Warbaahinta, in aanay jirin Wararka sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug la geliyey xabsi guri,

Maxamed Cabdi Xaashi Carabey ayuu sheegay xildhibaanku in uu joogo madaxtooyada islamarkaana uu wato shaqadiisa caadiga.

Ilo kala duwan oo joogo Caadaado ayaa u sheegay Warbaahinta  in madaxweyne ku xigeenka Galmudug, xildhibaano iyo Wasiiro ay ku sugan yihiin madaxtooyada Galmudug

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa hay’adaha nabadgelyada ee Galmudug waxa ay ka joojiyeen kulan ay ku yeelan lahaayeen Madaxtooyada Galmudug.

Kulanka ayaa la sheegayaa in lagu diiddanaa mowqifka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ee la xiriira arrinta Sucuudiga iyo Qadar.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa wareegto uu soo saaray ku taageeray in maamulkiisa uu la safto Dowladda Sucuudiga,waxaana arrintaas ka horyimid Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carrabey iyo Cali Gacal Casar.