Akhriso:-Ciidamada Maamulka Puntland oo Qabtay Dooni Hub Siday?

Wararka ka imaanaya magaaladda boosaaso ee gobolka Bari ayaa ku waramaya in Ciidamada badda maamulka Puntland ay qabteen dooni hub-sidey, waxayna hadda ciidamadu doonidaas kusoo wadaan Dekadda magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in ay ciidamadu la socdeen dhaqdhaqaaqda doonidan oo ay kala war qaateen ciidamada Caalamiga ah ee Ilaalada ka haya biyaha Soomaaliya.

Dhanka kale Saraakiisha ciidamada hogaamiya ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan ilaa hadda wararka la xiriira  doonidan, waxaana socda baaritaano ay qeyb ka yihiin laamaha kala duwan ee ciidamada Amniga Puntland.