Dhageyso: Xiisad ka Taagan Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ?

Xiisad ka dhalatay Guryo uu Maamulka Gobalka Bari ee Puntland uu burburinaayo ayaa ka taagan Magaalada Boosaaso, Guryahaan ayaa kaabiga ku haaya xarunta Dekada Boosaaaso oo ay dhawaan la wareegtay Hay”adda DP-World.

Odayaal dhaqameyd iyo aqoonyahano ka careysay qorshaha maamulka Gobalkaasi uu ku doonayo in uu ku burburiyo Guryaha kabiga ku haaya Dekada Magaalada Boosaaso ayaa sheegey in ay arrintasi ay tahay mid aan la aqbali karin.

Maamulka Gobalka Bari ee Puntland ayaa horaan u sheegey in uu burburinayo Guryaha ku dhaw Dekada Magaalada Boosaaso si loo balaariyo Dekada loogana dhigo mid baaxadweyn oo caalai ah.

Halkaan  ka dhageyso  Hadalka