Dhageyso: Alshabaab oo sheegay inay dilayaan Sheekh C/weli Sheekh Cali?

Ururka Al-shabaab ayaa shaaca ka qaaday inay khaarijinayaan Sheekh C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare oo lagu eedeeyay in gudaha asbucaani uu u gafay Nabi Maxamed NNKH.

Horjoogaha maleeshiyaadka ugu magcaaaban Gobolka Mudug, Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan, oo dhacdadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay aad uga naxeen kadib markii ay is barbar dhigeen muuqaalo kala duwan oo uu duubay Sheekh C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Waxa uu Horjoogaha sheegay in falka uu ninkaasi ku kacay ay ka argagaxeen shacabka Somaliyeed, ayna tahay arrin aan horey loo arag, loona maqal, islamarkaana aan uga dhicin Somaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan, ayaa tilmaamay inay iska cadahay muuqaalka uu gafka ku galay Sheekh C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare isla markaana aanu is dhaafin karin khaladka uu ku kacay, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Horjoogaha Alshabaab ee Gobolka Mudug Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan, sheegay in xukunka ninkani uu yahay dil isla markaana ay waafajin doonaan waxa uu sharciga qabo, sida uu yiri.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Laba xukun meesha ma yaallaan, Kitaabka Ilaahay ninkaa wuu xukumay, wuxuuna ku xukumay gaalnimo iyo dil.”