XOG CULUS: Gudiga Doorashada Hirshabeele, oo ku kacay Musuq maasuq Baahsan iyo Xildhibaanada?

Guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa lagu eedeeyay inay ku takri faleen dhaqaalihii ka soo xerooday musharaxiintii u tartamaysay doorashada Madaxweynaha HIrshabelle ee dhacday 16kii bishan September.

Dhaqaale gaaraya $80.000(Siddeetan kun oo dollar) ayaa ka soo xerootay siddeed musharax oo isu soo taagtay doorashaa Madaxweynaha Hirshabelle iyadoo musharax walba uu bixiyay toban kun oo dollar,hase yeeshee lacagtaa ayaan la ogeyn halka ay ku dambeysay.

Wararka qaar ayaa sheegaya  in guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle oo ka  koobnaa sagaal xubnood ay ahaayeen rag awood weyn ku leh  gudaha baarlamaanka Hirshabelle.

“Guddiga doorashada Hirshabelle waxaa markii horeba lagu soo xulay inay yihiin raggii ugu awooda badnaa ee hor boodayay mooshinkii laga keenay Madaxweynihii hore Cali Cabdulaahi Cosoble mana jirto cid ka daba hadli karta.”ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle.

Inta badan xubnaha guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa markii  ay soo gabagabowday doorashadii uu ku guuleystey Madaxweyne Waare waxa ay ka soo tageen magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle iyagoo yimid caasimada dalka ee Muqdisho.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa dadka u dhuun daloola arrimaha baarlamaanada waxa ay ku sheegaan inuu yahay baarlamaanka ay xildhibaanadiisu yihiin kuwo boqolkiiba konton aan haysan shahaado dugsi sare  ama wax shahaado waxbarasho ah maadaama ay keeneen oday dhaqameedyo iyo ugaasyada beelaha.