Ururka Xaldoon oo baaq ka soo saaray Go’aankii Xukuumadda ee Qalbidhagax.

Ururka Xaldoon oo baaq ka soo saaray Go’aankii Xukuumadda ee Qalbidhagax

 

– Ururka Xaldoon wuxuu taageersan yahay, in dalka somalia oo uu horey u socdo, uuna tiigsado halka ay Gaareen dalalka horey u maray.

Ururka xaldoon isaga oo og dhibka ay leedahay dowlad la’aan, wuxuu ka digayaa in la carqadeeyo iftiinka dowladnimo ee jira oo aan dhiigga badan u hurnay in lugta lagu dhifto si howl yar.

Ururka wuxuu  mudnaanta u siinayaa, in la ilaaliyo Dastuurka dalka. iyo amaanada, laguna kalsoonaado hay’adaha sharciga,

Haddaba

– Xasaradda ka dhalatay 

1-dhiibistii loo gacan geliyey Dowladda etiopia Mr. Qalbi dhagax, i

2- iyo Jabhadda ONLF. iyo 

3- qoraalkii ka soo baxay 06.09.2017 shirkii aan caadiga ahayn ee ay yeesheen golaha wasiirada ee DFS.

Ururka Xaldoon. 

isaga oo mar walba dhanka wanaagsan wax ka eegay. wuxuu mudnaanta koowaad siinayaa ilaalinta iyo dhawrista

xuquuqda muwaadinka Somaliga ah. iyo ilaalinta Dastuurka Dalka

wuxuu ka soo horjeedaa in la jabiyo dastuurka qaranka.

 

Mowqifka Ururka Xaldoon 

– Ururka Xaldoon wuxuu qabaa

1- in Jabhadda ONLF. Aysan ahayn urur Argagixiso.

2- in Muwadinka la yiraahdo Qalbi dhagax ay khalad ahayd in loo gudbiyo dal kale. waxayna ahayd in lagu maxkamdeeyo dalka somalia gudihiisa, 

3- Qoraalkii ka soo baxay shirkii aan caadiga ahay ee ay yeesheen golaha waasiirada in uu ahaay mid u baahan in dib loogu noqdo oo la saxo.

TALO SOO JEEDIN.

Ururka Xaldoon.

isaga oo u taagan mar walba in dalka iyo dadka ay ka baxaan dhibaatada ku habsatay Muddada dheer

Si arinaasi u meel marto.

– wuxuu soo jeedinayaa in lagu xaliyo khaladaadkii dhacay dhanka hay’adaha sharciga. laguna kalsoonaado go’aanadooda.

– waa in dowladda somaaliya ay u ciqaabtaan ciddii ka dambaysay.

a- Marin habaabinta Golaha wasiirada in ay qaataan go’aan aan waafaqsaneen shuruucda dalka waxna u dhimaaya Mansabka iyo wixii loo idmaday oo ay shalay u dhaarteen iyaga oo maraya sifo sharci ah oo Dastuurku tilmaamay.

b- waa in aan la samaynin nin jeclaysi, ciddii khaladkaan ay dowladdu ay gashay ka dambaysay waa in ay iyada u gaar noqotaa ciqaabta, balse aysan saamaynin cid aan waxba kuu lahayn mas’uuliyadda gaarka ahayd.

c- Dawladdu waa in ay dib uga fiirsataa Go’aankii Mas’uuliyad wadareedkii ay ku qaadatay 06.09.2017. kaasoo geliyey dowladda saluug weyn oo aan laga filaynin.

Wabbilaahi tawfiiq

Ururka Xaldoon