Madaxweyne Waare oo Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii gobalka Hiiraan.

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle ee doorashadiisa laga joogo afar maalmood oo kaliya ayaa shalay xilkii ka qaaday Gudoomiyihii maamulka gobalka Hiiraan ee Hirshabeelle Cumar Aadan Ibraahim “Baadiyow”

In kastoo aanan si rasmi ah loo shaacin Xilka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ayaa waxaa jirtay warar sheegaya in xilkaasi loo magacaabay Cali Jeyte Cismaan oo horey xilkan u soo qabtay waxaana Warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobalka.

Cumar Aadan Ibraahim Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee maamulka gobalka Hiiraan oo aan Telephone-ka kula xariiray ayaa xaqiijiyay in Xilkii laga qaaday.

Ma cadda sababta xilka looga qaaday Gudoomiyihii gobalka Hiiraan, Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan Arintaan  balse xil ka qaadistiisa ayaa loo aaneyna  gudoomiyahii hore maadama uu Cali cosoble la saftay.