FIIRSO: Heshiis horudhac ah oo laga gaaray beelo ku dagaalamay degmada Cadale?

Heshiis hordhac ah ayay labo beel oo ku dagaalamay dhowaan deegaano ka mid ah degmada Cadale waxa ay ku gaareen magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Kulan socday muddo kabadan labo bilood ayaa ugu dambeyntii oday dhaqameedyada labada beel waxa ay ku gaareen heshiis ka kooban toban qodob.

Heshiiskan ayaa waxaa uu ahaa mid ay si wadajir ah u saxiixeen wakiilo ka socday labada beel iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen.

Qoddobada labada beel ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah;-  In Xabad joojintii hore la adkeeyo,In ciidamada labada beel lakala qaado,Wadooyinka ku xirmey dagaalka in dib loo furo,In dadka ka barakacay guryahooda ay dib ugu laabtaan deeganadooda,Inaan dhul cusub la falin inta heshiis buuxa laga gaarayo,In Maamul goboleedka Hirshabelle baaritaan ku sameeyo nuqulada dukuminti ah hirshable,In Maamulka Hirshabelle uu dayactiro ceelka burdheere si dadka iyo duunyaduba ay u cabaan, In tuulada Burdheere lagu dhamaystiro heshiiska inta ka dhimana sida dhiiga,hantida iyo dhulka 25ka bisha Oktoobar 2017,Dhaqangelinta heshiiskan waxaa u xilsaaran guddoomiyaha sh/dhexe iyo guddoomiyaasha degmooyinka Cadale iyo Warshiiq.,In Dhammaan qeybaha kala duwan ay goobjoog inay ka noqdaan shirka dib u heshiisiinta ee 15ka Oktoobar.

Kulankan lagu soo afjarayay colaada ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay in la gaaray heshiis muddo dheer loo fadhiyay uuna maamulka gobolka sh/dhexe soo dhoweynayo heshiiska la gaaray.

Gabagabadii kulankan ayaa waxaa ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Guudlaawe waxana uu Guudlaawe u mahadceliyay oday dhaqameedyada labada beel ee heshiiska gaartay iyo guddigii dhexdhexaadinayay labada beel.

“Waxaan ku faraxsanahay tanaasulaadka ay sameeyeen labada dhinac taasoo sababtay in la soo afjaro colaada waxaana aan ku kalsoonahay in colaadan aysan dib dambe u soo noqon.”ayuu yiri Mudane Guudlaawe.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa oday dhaqameedyada ku tilmaamay geesiyaal u bareeray in ay badbaadiyaan shacabkooda. Beelaha ku heshiiyay magaalada Jowhar ayaa waxaa uu salka ku hayaa khilaafkooda lahaanshaha dhul waxaana ka dhashay iskahorimaadyo dhex maray maleeshiyaad hubeysan oo labada dhinac ah dhimasho,dhaawac iyo barakac.