FIIRSO: Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Hiiraan oo Xilka la wareegay iyo Gudoomiyahii Hore oo War aan laga fileyn Meesha ka sheegay?

Guudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xilka kala wareegay Cumar Aadan Ibraahim Baadiiyoow Guudoomiyihii Hore ee Gobolka Hiiraan kadib xafladd ka dhacday Magaaladda beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol Hiiraan  iyo degmo, Saraakiisha ciidamada dowlada, AMISOM, odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horeyntii Guudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cumar Aadan ibraahim Baadiyow ayaa ugu baaqay bulshada in ay la shaqeeyaan maamulka cusub isaga horey u dhaliilay xil ka qaadistii Baarlamaanka Hirshabeele ku sameeyeen Madaxweynahii hore Xilka  laga qaaday Cali Cabdullahi Cosoble isaga oo sheegay in reer hiiraan maamul cusub dhisteen taaso keentay Ugu Danbeyn in u xilkiisa ku waayo maalmo ka dib doorashadii lagu doortay Madaxweyne Waare.

Ugu dambeyntiii Guddoomiyaha cusub ee gobolka Cali Jeyte ayaa  balan qaaday in uu wax badan ka qaban doono Arimaha Amniga Dib u Dhiska iyo Dib u heshisiinta, isaga oo intaa ku darray in bulshada looga baahan yahay in ay la xisaabtamaan maamulka.