Ciidamada Kenya Oo Isaga Baxay Degmada Baardheere, Gedo

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay isaga baxeen Magaaladaasi.

Ciidamada Kenya ayaa tan iyo xalay waxa ay wadeen dhaqdhaqaaqa ku aadan ka bixitaanka Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana la sheegay saaka inay guureen ciidanka.

Isgaarsiinta Magaalada Baardheere oo hawada ka maqan, ayaa lagu soo waramayaa in loo damiyay sababta ku aadan guuritaanka Ciidamada Kenya ay kaga guurayeen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ciidamada Kenyan-ka ee ka baxay dhanka Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa waxa ay u dhaqaaqeen dhanka Magaalada Baled Xaawo, sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland.

Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ciidamada Kenya ay uga baxeen Magaalada Baardheere, ayna ugu dhaqaaqeen dhanka Degmada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Al Shabaab ayaa muddooyinkaan dambe waxa ay kordhiyeen weerarada ay ka gaystaan Magaalooyinka ay ku sugan yihiin ciidamada Maamulka Jubbaland.

Baardheere hadda waxaa ku sugan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubbaland oo adkeynaya ammaanka Magaalada Baardheere.