Sawirro Xul Ah:?Wasiirka Amniga oo shaaciyay dhisida ciidamo dhan 32,000 oo isku dhaf ah

Magaaladda  muqdisho waxaa Maanta ka Furmay Shir loogaga hadlayo sidii loo dhisi lahaa ciidamo Boolis ah oo tiradoodu gaareyso 32,000 oo isku dhaf ah kuwaasoo kala wareega amniga dalka marka ay dalka Soomaaliya ka baxaan ciidamada AMISOM.

Shirkani  oo socon doono muddo sedax maalmood ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka furey Wasiirka Aminga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,kaasi oo u dhexeeya saraakiisha Booliska Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed.

Ujeedada shirkani wadatashiga aha ayaa la xiriirta qorshayaal ku aadan sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah oo Boolis ah, kuwaasi oo isugu jira heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed..

Ugu horeyntii  Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in la dhisayo ciidamo booliska ah oo gaaraya 32 kun, kuwaasi oo Amisom kala wareegi doona Amniga Dalka.

“Waxaa maanta halkani isugu yeernay saraakiisha booliska Heer Federaal iyo heer Dowlada Goboleed, waxaana looga hadlaya qorshaha lagu dhisayo ciidamo Qaran,kuwaasi oo Amisom kala wareegay Amniga Dalka marka ay baxaan 2021,sida ay ku heshiyeen Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, sida aad ogtihiin shirkii London waxyaabohii ka soo baxay waxaa kamid ahaa in la dhiso 18 oo Ciidan Militari ah iyo 32 kun oo Boolis ah, kuwaasi oo ukala baxaya, Darwiish iyo ilaalada Xeebaha”, ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal C/xakiin Daahir Siciid Saacid ayaa ku booriyay saraakiisha ka qeyb qaadanaysa shirkani in ay la yimaadaan karti iyo aragti wanaagsan oo ay ugu adeegayaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa shirkani goobjoog ka ahaa saraakiil ka socotay Hay’adaha Qaramada Midoobey ee taageera Hay’adaha Dowladda iyo tababarayaal Boolis, kuwaasi oo qeyb ka qaadanaya tayaynta ciidamada Dowladda Soomaliya.