Khaa’inul Wadan!!: Shakhsiga Ka Dambeeya In Ay Maamul Goboleedyada Taageeraan Xulafada Imaaraadka iyo Sacuudiga Oo La Ogaaday!

Isku soo dhawaasho aan horey loo saadaalin ayaa ka dhex jirta dawladda Soomaaliya iyo xulufada Sucuudiga madaxda uu u yahay, maadaama horey ay Soomaaliya uga gacan taagatay islamarkaana ay dhex dhexaad ka noqotay khilaafka dawladaha Khaliijka.

Su’aalaha la iswayddiinayo waxaa kamid ah sidee bay ku dhacday isku soo dhawaanshahan? yaa ka dambeeyay? iyo kuwa kale, hasa yeeshee waxaan qoraalkan ku jeex jeexi doonaa wax badan oo kamid ah mid ah arrinta khilaafka dawladaha carabta iyo Qatar.

Fahad Yaasiin oo ahaa dulaalka Soomaaliya iyo Qatar ayaa booskiisa uu daciifay, Farmaajo ayaa kalkii hore tixgaliyay codsigii Fahad ee ahaa in ay dhex dhexaad Soomaaliya ka noqoto arrinta khilaafka Dooxa iyo Riyaad.

Xulufada Sucuudiga ayaa bilaabay qorshe kale oo lagu dhicisiinayo go’aanka dawladda dhexe waxaana la adeegsaday Cabduweli Gaas oo loosoo wakiishay in uu madaxda Soomaalida ka dhaadhiciyo qorshaha xulufada, taasna waa lagu guuleeystay.

Qofkii ugu horreeyay ee uu u geeyo wuxuu ahaa Farmaajo kaas oo isna aad isku adkeyay ugu dambeyn waxaa lagu soo gabagabaeeyay in la qaato go’aan cad oo dhigaya in Soomaaliya ay xiriirka u jarto Qatar, baddalkana ay ku biirto xulufada uu Sucuudiga horkacayo.

Madaxdii dhexe markii lala heshiisiiyay, Gaas ayaa la hadlay dhiggiisa Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan kaas oo durba ku qancay aragtidii Gaas ee lacagaha ay lasocdeen.

Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa isna in uu dhawaan soo saaro warqad uu ku taageerayo Sucuudiga uuna xiriirka ugu jarayo xukuumadda Dooxa.

Dhammaan waxyaabaha ay sameynayaan waa khalad dastuuri ah, hasa yeeshee ma jirto dawlad dhexe oo yac dhahda madaxda Maamul goboleedyada, maadaama mid kasta uu isku heysto in uu yahay kan ugu sareeya.