Fowziyo “Dowlad Goboleedyada Xaq Uma Lahan in ay Ka Garab Hadlaan Dowladda Dhexe”

Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan  Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore iyo Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay go’aanada maamul goboleedyada kasoo baxay ee ku adan in xiriirka u jareen Dowladda Qatar islamarkaana ay la safteen Xulufadda Sacuudiga.

Fowziyo ayaa sheegtay in dowladda Dhexe ay leedahay mas’uuliyadda arrimaha dibadda, isla markaana qodobka 54aad ee dastuurka uu qeexayo, wixii cilaaqaad lala yeelanayo dowladaha deriska iyo kuwa caalamiga inay dowladda Federaalka ay mas’uuliyadeeda leedahay.

“Waxaa u arkaa go’aanada dowlad goboleedyada arrin gef, qalad iyo dambi laga galayo qaranka inay tahay, iyo inay dowladaaha la midka ah ay garab istaagto in lagu dahabar jebinayo, laga garab hadlayo, waa ka xumahay in laga shaqeeyo in dowladda iyo dalka in aan horay u socon la fur furayo, kolba doc wareer lagu haayo”ayay tiri Fowziyo Yuusuf oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay  in xiisada Khaliijka lagu dhex jiro, gaar ahaan dalal ay ka mid tahay Kuwait ay dhex dhexaadineyso, meel fiican ay mareyso heshiisiintooda.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in aanay meelna ka jirin go’aan dowladda dhexe gaartay inay ka hor-timaado dowladaha hoose ama gobol, iyadoo tusaale u soo qaadatay in Gobolka Wajeer ee Kenya in aanay ka hor imaan karin go’aanka dowladda dhexe ee Kenya soo saarto.

Hadalka Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan   ayaa kusoo beegmaya xili shalay ilaa xalay maamulada Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Galmudug ay shaaciyeen in ay xiriirka u jareen Dowladda Qatar.