Dhacdo Naxdin leh Wiil walaalkiis ka Yar goordhow ku dilay Degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir?

Dhacdadaan oo ah mid aad Xanuun badan ayaa aheyd mid ay ka Naxeen Dadkii Maqlay,waxaana Wiil Dhalinyaro ah oo ka mida Dadka Degan Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir uu dilay Walaalkiis ka yar oo ay Isku Hooyo yihiin.

Sahro Maxamed Ibraahin oo ay Walaalo yihiin Wiilka la dilay iyo midka wax dilay ayaa Warbaahinta u sheegtay in ay Murmeen Labada Wiil ka hor inta aan la dilin kii yaraa oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Ibraahim.

Sidoo kale waxaa Guriga ay ka daganaayeen Degmada Boondheere ka baxay saday Wiilkii Dilka geystay oo Magaciisa lagu sheegay Abuukar Maxamed Cali oo ay Isku hooyo yihiin Wiilka la dilay.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir uu Wiil ka mida Dadka Degaanka uu dilay Wiil kale oo ay Walaalo yihiin.