Xubin Sare Oo Ka Tirsanaa Guddiga Taakuleynta Oo Is Casilay Iyo Ra’iisul Wasaare Kheyrre Oo Cadaadis Ku Haya Xerta Sheekh Nuur Baaruud Burxan

Maxamed Yuusuf Tigey oo kamid ahaa guddigii taakuleynta Abaaraha iyo wacyigelinta Ciidanka qalabka sida ayaa sheegay in uu ┬áiska casilay xilkii uu hayay, kaddib markii ay badatay fara gelinta dhanka ra’iiisul wasaaraha kaga imaaneysa oo isaga culeys ku noqotay.

Ra’iisul wasaare kheyrre ayaa dhawaan la shiray guddiga taakuleynta abaaraha, waxaana ay ahayd wixii markaas ka dambeeyay in siyaabo kala duwan looga soo sheegto mudane Kheyrre.

Isagoo isticmaalaya bartiisa Facebook-ga ayuu soo dhigay mudane Tigey in uu iska casilay xilkaas, kaddib markii uu dareemay faragelin badan oo dhanka xafiiska ra’iisul wasaaraha kaga imaaneysay.

Si kastaba aha ahaatee Kheyrre ayaa beryahan lugaha lagalay fadeexoyin kala duwan oo ay kamid tahay middii rugta ganacsiga oo Villa Somalia ay isku dayday in ay kala dirto.