XOG: Farmaajo Oo Xilka ka Qaadayo Sanbaloolshe Iyo Sababta oo la ogaaday?

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa diyaarsaday warqaddii xilka looga qaadi lahaa Taliyaha NISA Mudane Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe oo lagu gaadayey fursad xilkaan looga qaado maadaama markii uu dhiibay Qalbidhagax uu diiday inuu is casilo ayaa hadda lagu helay.

Dagaalkii ka dhacay Haanta dheer ayaa  dusha laga saaray inuu qaaday isaga oo aan cidna soo wargelin, sidoo kalena aan la tashi kala sameyn hay’adaha amniga kale ee talada kala dhaxeyso.

Sidoo kale waxaa Sanbaloolshe loo arkay shaqsi iska horkeynaya Beelaha degan Magaalada Muqdisho iyo sidoo  kale dowladda Federaalka.

Sida aan ilo  wareedyo Muhiima ku heleeyno Hadda waxa uu madaxweynaha go’aansaday in xilka uu ka qaado Sanbaloolshe, warqaddii waa uu qortay madaxweynaha, kaliya inuu baahiyo kala ka harsan.