Waa Maxay Wax-Qabadka Ugu Horreeya Ee Madaxwaynaha Cusub Ee Hirshabeelle Uu Sameyn Doono? (Isagaa Caddeeyay)

Madaxwaynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay  markii ugu horreysay waxyaabaha uu damacsan yahay in uu fuliyo todobaadyada koobaad ee xafiiskiisa.

Waare waxa uu wareysigiisa kusoo bandhigay waxqabadkiisa ugu horeeya ee ku aadan dhibaatooyinka ka jira degaanada maamulka Hirshabeelle.

Waxa uu sheegay in talaabada ugu horeysa ee uu qaadi doono ay noqon doonto dib u furida wadooyinka xiran ee ku yaalla degaanada maamulka Hirshabeelle.

 Sidoo kale isku soo dhaweynta beelaha dirirsan ee wada daga gobolka ayuu sheegay in uu wax badan ka shaqeyn doono, hasa yeeshee kama hadlin arrinta madaxwaynihii xilkiisa laga cayriyay ee Cosoble kaas oo maamul cusub Balad Wayn kaga dhawaaqay.

Si kastaba ha ahaatee xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa Sabtidii u codeeyay Waare in uu noqdo madaxwaynaha maamulkaas, kaddib markii uu codad Aqlabiyad leh kaga adkaaday musharrixii la tartamayay.