Ma Dhabbaa In Madaxwayne Farmaajo Uu Ku Wajahan Yahay Dalka Sucuudiga? (Sir culus)

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan lagu wadaa inay gaaraan boqortooyada Sucuudiga iyadoo ujeedka safarka madaxweynaha uu yahay in xiriirka loo jaro dowladda Qadar.

Sababaha ugu weyn ee madaxweynuhu u qaadanayo go’aankan ayaa lagu sheegay in dowladda Qadar ay taageerto siyaasiyiin uu madaxweynuhu u arko inaysan la dhacsaneyn siyaasaddiisa iyo dowladda uu madaxweynaha ka yahay iyo lacago dowladda loo ballanqaaday.

Waxaa iyana suurtagal ah in madaxweynaha uu ka haro safarka islamarkaana uu wafdi u diro Sucuudiga halkaasna go’aan looga gaaro dowladda Qadar.

 Dhawaan ayeey ahayd markii Maamullada Koonfur Galbeed iyo Puntland ay xiriirka u jareen dhiggooda Qatar, waxaase la filayaa in dawladda dhexe xitaa ay saameyso.