“Illaahay Baan Ka Magan Galay In Caruurteyda Ay Noqdaan Aniga Oo Kale” Waa Ducada Mid Kamid Ah Jilaayaasha Ugu Caansan Adduunka

Jilaaga caanka ah ee Sanjay Dutt ayaa sheegay in wiilashiisa ay yihiin kuwa fursad wanaagsan heysta oo heli kara in ay ismuujiyaan wakhtigan la joogo.

Sidoo kale wuxuu sheegay Sanjay Dutt in uu rabbi ka baryay in aysan wiilashiisa isaga raacin dhanka jiliinka ee ay la imaadaan waddo cusub oo Boollywoodka kucusub.

Sunil Dutt iyo Nargis Dutt waa labo jilaa oo dhallinyara ah kuwaas oo ku abtirsada Aktarka caanka ah ee Sanjey Dutt, waxaana ay yihiin kuwa mustaqbal ku leh saaxadda fillin jiliyadda.

“Masraxiyadda maanta Hindiya meel wanaagsan ayeey mareysaa, markii aan yaraa waalidkey iima oggoleen in aan fillim ku biiro, iskuulka ayaan u gembin jiray si aan boos uga helo bolwood ka, si lamid ah caruurrteyda, ma jeclaan lahayn in ay sideeda oo kale ay noqdaan, rabbina middaas waan kaga baryay.” ayuu Mr Dutt u shegay wargeysyada arrimaha aflaanta hindiga ka hadla.