Howlgallo Ballaaran Oo Laga Sameeyay Muqdisho yaa lagu qabtay Ogoow?

Ciidamada Howlgalka Xasilinta Caasimadda ayaa xalay Howlgallo qorsheysan ka sameeyay Xaafado ka mid ah degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir.

Howlgalka ayaa meelaha uu saameeyay waxaa ka mid ah Xaafadda Caga Dhiig , 15 –ka May iyo Nawaaxiga Saldhiga Booliska degmada Wardhiigleey.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay soo qab qabteen tiro dhalinyaro ah oo aan la cayimin tiradooda kuwaas oo  ay ku socdaan baaritaanno la xiriira Amniga.

Magaalada Muqdisho ayaa beryihii  u dambeeyay Ciidamadu waxa ay ka sameynayeen howlgallo kala duwan oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka Caasimadda.

Waxaana xusid mudan in maalmihii u dambeeyay dilal qorsheysan ay ka dhacayeen Magaalada Muqdisho oo qaarkood loo geystay shaqsiyaad ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.