Sawirro: Dowladda oo Magdhow Ka Bixiyay Dadkii Lagu Dilay Dagaalkii Haanta Dheer Muqdisho?

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa lacago magdhow ah u qeybisay qoysaska dad shacab ah oo lagu laayay  dagaalkii todobaadkaan ay ciidamada NISA ku qaadeen xaafadda Haanta Dheer ee degmada Hodan.

Taliyaha CXDS Gen. Jimcaale Cirfiid ayaa lacag diyo magdhaw ah u qeybiyay ilaa toddobo qoys oo ay dad kaga dhinteen  dagaalkaasi .

Taliyaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya ay aad kaga xun tahay dagaalkii dhawaan ka dhacay Xaafadda haanta Dheer Degmada hodan ee Magaaladda Muqdisho, islamarkaana baaritaano la wado cidii ay ku cadaato arintaas talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Malatariga Dowladda Soomaliya iyo Ciidamada xasilinta Caasimadda ayaa Todobaadkaan ka dhacay haanta Dheer Degmada hodan ee Magaaladda Muqdisho waxaana dagaalkaas ku dhintay 3-qof halka ay ku dhaawacmeen 8-qof oo shacab u badnaa.

Taliyaha  ayaa qaboojiyay xaalada joojiyna Ciidan gurmad ahaan ugu soo baxay gobalka Shabeelaha Hoose kuwaasi oo doonayay in aay ka qeyb qaatan dagaalka halkaasi ka dhacay