Arrin Naxdin Leh Oo Ka Dhacday Gobolka Galgaguud Nin Isdal-Dalay Xilli Uu Lugeeyay 60-Km

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliaya ayaa sheegaaya in halkaa lagu arkay meydka nin is daldalay.

Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay cabdi yare dhoodaan Maxamed Guuleed, ayaa isku daldalay deegaanka Ceel-dheere oo u dhexeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Ninkaan is daldalay ayaa la xaqiijiyay inuu ka soo lugeeyay degmada matabaan ee gobolka Hiiraan waxa uuna lugeynayay masaaafo ka badan 60 KM, sida ay sheegeen dad deegaanka ah.

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa xoolo dhaqato hantidiisa ku waayay abaarihii ka dhacay dalka, gaar ahaan maasheeyay Gobolada Somalia.

Dadka deegaanka ayaa markii hore sheegay inay garan waayeen meydka ninkaan kadib markii gabi ahaan uu saameeyay barar farabadan, ayaa waxaa markii danbe suuragashay in la aqoonsado.

Marxuumka ayaa daldalaada u adeegsaday xari waxa uuna iska soo laalaadiyay geed dheer, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Dalka Somalia ayaa waxaa kusoo badanaaya dadka is daldala ee saameynta ku yeesha nolosha xun ee ka jirta wadanka.

Ma jirto cid la soctay marxuumka xiliga uu ku kacaayay falka is daldalaada ee sababsatay naftiisa.