AKHRISO:- Warbixin Kaa Nixin Karta Haddii Aad Maalin Walba Cunto Mooska!

Inkabadan 145 million Tan Oo Muus/ moos ayaa sannad kasta la goostaa oo baxa, kuwaas oo dad badan ay ku nool yihiin, maalin kastana ay isticmaalaan.

Balse dhawaanahan waxaa soo baxayay digniino ku aaddan in xasharraad iyo Bakteriya badan oo Fungay-gu kamid yahay ay xaallufin ba’an ku hayyaan mooska adduunka.

Dhulka Sare ee Bariga Afrikaayaa ah meelaha ugu badan ee digniinnaha ay gaareyso, maadaama ay Fungay-gu oo kamid ah waxyaabaha bakteeriyada oo kala  islamarkaana aanu ishu qaban, uu dhibaato badan ku hayo Mooska.

Daraasaddan waxa ay saameeyn ku yeelan kartaa boqolaal qofood oo maalin kasta cuna, suuq geeya, beera mooska, haddii aan la helin kahor tag wanaagsan waxaa la arkaa in khasaaro naf iyo maalba ay ka dhalato.

Dakhaatiirta ayaa ganacsada iyo dadka caadiga ahba kula taliyay in ay buufiyaan sidoo kalena ay daaweeyaan geedka Mooska ah ee u baxa.