Waa Maxay Qorshaha Layaabka Leh Ee Ay La Damacsan Yihiin Jaalliyadda Soomaalida USA Ra’iisul Wasaare Kheyrre?

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa la filayaa in uu dhawaan booqasho ku tago dalka Mareykan ka gaar ahaan magaalada Newyork.

Laba olole oo caksi isku ah ayaa ka socda dalkaas, midka koobaad waxaa wada taageerayaashiisa iyo dhammaan dadka u riyaaqsan falsafaddiisa siyaasadeed, waxaana ay qorsheeynayaan in ay u sameeyaan soo dhawayn lala yaabo oo aan horey u dhicin.

Halka kuwa kale ay yihiin jamaahiir kasoo horjeedda hab dhaqameedkiisa, sidoo kalena aan aad ula dhacsaneyn qaabkii ay dawladdiisa ula dhaqantay Cabdikariin Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka ONLF.

Qorshaha ugu wayn ee mucaaradka ku dhaqan Mareykan ka wuxuu yahay in ay sameeyaan banaan bax looga soo horjeedo Kheyrre kaas oo ay ku cambaareynayaan qaababka liita ee xukuumadda Kheyrre ay ula dhaqantay hoggaamiyihii ONLF mudan Qalbi Dhagax.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in dhawaan uu gaaray Newyork mudane Kheyrre, waxaana hadda sii tagay halkaas wefdi kasocda wasaarrada arrimaha dibadda Soomaaliya.