Raisulwasaare Kheyre oo ku wajahan New York & Wafdi hordhac ah oo gaaray Mareykanka?

Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa dhawaan ka qeyb galaya Shir ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Qatar ayaa ka dhinac furmaya shir sanadeedka guud ee Qaramada Midoobey

Wafdi Horudhac u ah Rasulwasaaraha Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa gaaray magaaladda New York ee dalka Mareykanka waxaana hogaaminaya wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar.

“Waxaan hordhac u ahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo isaga oo hoggaaminaya wafdi Wasiirro ka kooban Soomaaliya ku matali doona shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan.

Shirka Qarammada Midoobay waxaa wafdiga u wehliya shirar-doceedyo aan la yeelaneyno madaxda wufuudda dowladaha shirka ka soo qeyb gelaya qaarkood, Madax Mareykan ah, ururro caalami ah iyo xubno ka mid ah Soomaalida Mareykanka”, ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkan mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee dalalka Khaliijka, kaddib markii Xulafada Sacuudiga hoggaaminayo ay xiriirka u jareen dalka yar ee Qatar.