Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku qaaday degaanka Kalabeyr oo ku yaalla duleedka Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Al-Shabaab ayaa qabsaday degaankaasi, ka dib markii ay dileen Askar ku sugned Kontoroolka degaanka Kalabeyr.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay degaanka la wareegeen , islamarkaana dadka degaanka ay arkeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo Kalabeyr dhexmaraya.
Gurmad ciidan ayaa hadda ka socda Magaalada Baledweyne , waxaana ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin meel u dhow degaanka Kalabeyr.