Sawirro:- Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan DFS Oo Isku Dhiibay Alshabaab

Labo Xidigle Cabdullaahi Maxamuud Cali Xeynoof oo ku magac dheer Cabdullaahi Jareer islamarkaana ahaa taliyaha ciidanka nabad sugidda degmada Ceelbuur ayaa isku soo dhiibay dhanka alshabaab sida ay sheegayaan warbaahinta afka kooxdaas ku hadasha.

Sarkaalkan ayaa hadda markii uu is dhiibayay kasoo tagay degmada Beledweyne ee gobalka Hiiraan waxaana markii uu soo galayay dhulka ay maamulaan kooxda Alshabaab kasoo goostay degmada Dhuuso Mareeb ee gobalka Galgaduud.

Dahabo Xirsi Maxamuud ayaa iyana lasocotay,waana xaaskiisa, taas oo iyana sheegtay in ay qayb ka ahayd dhanka dawladda islamarkaana ay ku faraxsan tahay in ay kusoo biiraan iskuna soo dhiibaan kooxda Alshabaab oo ay u arkaan in ay yihiin kuwa wanaagsan.

Weli dhanka dawladda jawaab rasmi ah kama bixin arrintaas ah in uu isdhiibay sarkaalkii nabad sugidda u qaabilsanaa dhanka magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Taliyaha