Qarax Khasaarro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Qarax wayn ayaa lala beegsaday kollonyo gaadiid ah oo ay lasocdeen qaar kamid ah ciidanka dawladda ayaa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ka mid ah deegaanada dhaca wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa la xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhacay kaasi oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah deegaanadaasi.

Ma ahan markii ugu horreysay ee qarax noocan oo kale uu ka dhaco deegaankaas, bishan gudaheeda ayaa dhawr qarax uu ka dhacay, dhammaanna waxa ay ahaayeen kuwa imaada xilliga habeenkii.

Weli hadal kama soo bixin dhanka dawladda, hasa yeeshee Alshabaab ayaa sheegtay qaraxaas in ay iyaga fuliyeen weerarkaas, balse ma sheegin khasaaraha uu geystay weerarkaas lala beegsaday kollonyada gaadiidka ay lasocdeen ciidanka dawladda.