Maxaad Kala Socotaa Siyaasiyiinta Caanka Ah Ee Tagay Jowhar Si Ay Kor Joog Kaga Noqdaan Doorashada Hirshabeelle?

wefdi ay hoggaaminayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Ujeeddada ugu wayn ee safarka mas’uuliyiinta ayaa ah in ay qayb qaataan korjoogtana ay ka noqdaan doorashada dhawaan ka dhici doonta maamulkaas.

Xildhibaanada soo gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Daahir Amin Jeesow,xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy,Senatar Nacima Ibraahim Yuusuf iyo Senatar Maxamed Xuseen Raage.

Musharaxiinta oo badankood degen dhismooyin aan kala fogeyn ayaa laga dareemayaa maanta saxmadii ugu badneyd iyadoo ayna dhinac socoto ammaanka oo la adkeeyay xarunta ay doorashada ka dhacayso iyo goobaha ku dhow dhow.