DEG DEG:- Guddiga Doorashada Ee Hirshabeelle Oo Joojiyay Codbixinta Jeex Jeexayna Waraaqihii Lagu Codeynayay (Haddaba Waa Maxay Sababta?)

Guddiga madaxa banaan ee doorashada Hirshabeelle ayaa jeex jeexay dhammaan waraaqihii doorashada kaddib markii laga waayay mid kamid ah musharrixiintii tartamayay.

Weriyaha wayn ee arrimaha siyaasadda Mucaawiye Muudey ayaa kusoo qoray bartiisa Facebook-ga qoraalka, waana mid kamid ah weriyayaasha lagu kalsoon yahay siyaasadda gudaha.

Warqadaha codbixinta ayaa la joojiyay lana jeex jeexay kadib markii la ogaaday in laga tagay magaca hal musharax oo kamid ah musharixiinta tartamaya warqadaha ayaa dib loo daabacay iyada oo dib loo saxay khaladkii dhacay waxaana hadda socota codbixinta wareegga koowaad ee doorashada maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxa aan isku dayi doonaa in aan idin soo gudbino wararkii ugu dambeeyay gaar ahaan magaca musharraxa laga tagay magaciisa ee aanu ku qorneyn warqadda cod bixinta.