DEG DEG:- Dagaal Xooggan Oo ka Socda Magaalada Muqdisho

Dagaal goos goos ah u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan dawladda Soomaaliya ayaa ka socda Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan.

Dagaalka ayaa kasocda degmada Hodan gaar ahaan xaafadda Soonakey ee agagaarka isbitaal Digfeer, waxaana uu u dhaxeeyaa ciidamada Militeriga oo odayaal u badan oo halkaas si sharci darro ah ku dagnaa iyo ciidanka dawladda gaar ahaan kuwa lagu soo tababaray dalka Imaaraadka Carabta.

Cali Siyaad oo kamid ah labada dhinac  ee ku dagaalamay goobta ayaa sheegay in iyaga lagu soo gardarooday, ayna difaacanayaan gurigooda.

“Ciidamo ka tirsan guutada 3-aad, 5-aad iyo 12-aad ayaan nahay, gurigeena ayeey nagu soo weerareen (Xaafaddeena) ciidanka dawladda ee Imaaraadka lagu soo tababaray, dad badan ayaa ku dhaawacmay, ku dhintay, sidoo kalena khasaaraha iyaga ayaa iskaleh.” ayuu u sheegay Cali Siyaasad mid kamid ah idaacadaha maxaliga ah ee magaalada kuyaalla.

Xabbadda ayaa ah mid goos goos ah hadda, balse wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idinkala socod siin doonaa haddii uu rabbi qaddaro.