Wax Badan Ka Ogoow Kooxo Hubeysan Oo Dilal Ka Geystay Magaalooyinka Kismaayo Iyo Baladxaawo?

Waxaa Xalay labo Ruux oo Shacab ahaa siyaabo kala duwan loogu dilay Xaafado ka kala tirsan Magaallooyinka Kismaayo iyo Baladxaawo.

Dabley ku hubeysnaa bistoolado ayaa ruux shacab ahaa waxey ku toogteen bartamaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Goobjooge ayaa u sheegay Warbaahinta in raggii dambeeyay dilka ay isaga baxsadeen goobta, balse uu socdo howlgallo baaritaano ah.

Dhinaca kale, Kooxo hubeysan ayaa ruux shacab ahaa waxey isna ku dileen Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Weli ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilkaasi.

Sikastaba, Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Dad shacab ah.