Sawirro: Xukumadda Somalia oo Qaadkii ka dagi jiray Jowhar joojisay kuna wareejisay Muqdisho cunaqabateyn Cusub?

Xukuumadda Soomaaliya aya gebi ahaanba joojisay wax qaad ah laga dejiyo magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Go’aankan ayaa kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ganacsatada Qaadka keena dalka lagu amray inay Qaadkii tegi jiray Jowhar u soo wareejiyaan Muqdisho, iyadoo loo qoondeeyay in 14 tan Qaad dhan uu Garoonka Muqdisho yimaado maalin kata.

Wasiir ku xigeenka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Diiriye Khaliif oo ay wehliyaan Xoghayaha Joogtadaha Abuukar Maxmed Daahiye iyo Gaasimaha guud C/llaahi Xayir Ducaale la kulmaya ganacsatada Qaadka ah soo degsatay, si ay u hubiyaan dhaqangalka go’aanadaasi.

Mudane Maxamed Diiriye Khaliif Wasiirk ku xigeenka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa yiri:”Waxaan halkan u nimid inaan u kuur galno Degreeto ay soo saartay Wasaaradda ayna ogyihiin Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maaliyadda, iyo ciidamada Booliska qeybta qaabilsan Canshuuraha, taasi oo ahayd inaan wax ka bedelnay qaabkii uu ku imaan jiray Qaadka anagoo go’aansanaya in Muqdisho iyo Shabeelooyinka ay imaadaan 14 Tan maanta ayuuna dhaqan galay, way mahadsanyihiin ganacsatadii amarkaasti qaadatay”.

Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale xusay in diyaaradii Khaadka gayn jirtay magaalada Jowhar la joojiyay islamarkaana Muqdisho uu ku soo degaayo,isagoo xusay in wadatashiyo lala yeeshey ganacsatada Qaadka la isku waafaqay in qoondo loo sameeyo.

Lama oga sababta keenay in xukuumadda Federaalka ay cunaqabteyn ganacsi saarto magaalada Jowhar iyo ujeedada ka danbeysa iyadoo ay hore u jirtay isku dhac ku saabsan arrimaha Qaadka oo dhex maray Hirshabeelle iyo dowladda Soomaaliya.