Howlgal gaar ah oo xalay ka dhacay Degmada Warta-nabadda ee Gobalka Banaadir Yaa lagu soo qabtay Ogoow?

Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho ayaa xalay howlgal gaar ah waxa ay ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa xaafadaha ay howlgalka ka sameeyeen waxaa ka mid ah Geed Jaceyl, Laba Dhagax iyo kuwo kale, sida ay dadka degaanka u sheegeen warbaahinta .

Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa howlgalkan waxa ay ku soo qabteen dad badan oo u badan dhalinayaro, waxayna isugu keeneen meel barxad ah oo ku dhow Xarunta Degmada, si loo kala saaro.

Ciidamada oo isku shaandhayn ku sameeyay dadkaasi, ayaa intooda badan dib u sii daayay, waxayse goobtaasi kala dhaqaaqeen tiro dad ah, oo loo maleynayo in tuhun uu soo galay.

Qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa maalmahan waxaa ku soo batay dilal loo geysanayo dadka shacabka ah, Askarta, si taasi looga jawaabo ayay Ciidanka Xasilinta u kordhinayaan howlgalada.