FIIRSO Sawirro: Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo gaaray Doolow

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Safar shaqo maanta ku tagay Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo Masuuliyiin kale ayaa Safarkan Madaxweynaha ku wehelinayay.

Wasiirka Amniga Mudane Cabdirashiid Janan iyo Maamulka Magaalada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha ee Doolow.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in safarkan uu la xiriiro amaanka deegaanka iyo sidii loo dardar galin lahaa dagaalka lagula jiro Argagixisada.

Mudada uu Safarka shaqo ku jiro ayuu sheegay in ay la kulmi doonan qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka.