FIIRSO: Kulan Xasaasi ah oo dhexmaray Duqa Muqdisho, Odayaasha & Wasiirada Beesha Mudulood

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa Xalay casho sharaf Hoygiisa ugu sameeyay duubabka dhaqanka iyo wasiirada kasoo jeeda Beel weynta Muddulood.

Kulanka ayaa ahaa kala war qaadasho, iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu warbixin kasiiyay duubabka iyo siyaasiyiinta Beesha uu kasoo jeedo horumarka Gobolka iyo qorshaha uu damacsan yahay si loo hormariyo maqaamka caasimadda.

Kulanka waxaa ka qeyb galay dhammaan odayaasha dhaqanka Beesha, wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo marti sharaf kale. Waxaana kulanka la isku dhaafsaday tallooyin iyo fikrado ku saabsan xaaladda Gobolka Banaadir iyo sidii dowladda Federaalka loola shaqeyn lahaa.

Siyaasiyiinta Odayaasha dhaqanka Beesha Mudulood  ayaa lagu dhaliila inta badan, in aynan raadin xaquuqda deeganada Beesha ee ku maqan Dowladda Fedaraalka.

Nuur Ismaaciil  Sheekh

Xafiiska Shaaciye.com Muqdisho

+252-618935983