DHAGEYSO: Muna Diirshe: “Shaqo galmo ku baddelasho ayaa ka jirta Muqdisho Iyo Soomaaliya?

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda bandhigga caalamiga ee buugaagta, waana sannadkii seddaxaad oo la qabto tan iyo burburkii dowladii dhexe 1991-dii.

Haddaba, sannadkan dad aad uga badan kuwii ka soo qeybgalay labadii sanno ee la soo dhaafay ayaa ka qeybgalaya bandhigga waxaa ka mid ah qorayaal Soomaali u badan iyo kuwa ajnebi ah kuwaasoo buugaag ay qoreen ku soo bandhigaya carwada buugaagta ee Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa sannadkan si weyn door ugu leh bandhigga Muqdisho dumarka oo illaa 11 dumar ah ayaa ku soo bandhigaya carwada buugaag ay qoreen, dumarkaas waxaa ka mid ah Muna Maxamed Diirshe.

Muna Maxamed Diirse ayaa sheegtay in carwada buugaagta Muqdisho ay ku soo bandhigtay illaa seddax buug oo mid ka mid ah ay uga hadleyso dhibaatada gabdhaha da’da yer kuna nool Muqdisho ee shaqo raadiska ay la kulmaan.

Muna ayaa buuggan ugu magacdartay “Illinta qubaneysa yaa ka damqanaya”waxa ay wareysatay 11 gabdhood oo la kulmay dhibaato iyagoo shaqo raadinaya sida galmo oo lagu yiri “Ma rabtaa shaqo galmo ku beddelasho”

MAHAAN KA DHAGEYSO HADALKA