Xog laga Helaayo Qasaaraha ka dhashay Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Degmada Mahadaay ee Gobalka Sh/ Dhexe?

Wararka laga helayo degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Al Shabaab weerar culus ay ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin duleedka degmadaasi.

Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo dagaalyanadii Al Shabaab ee soo qaaday Weerarkaasi.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdullaahi Maxamed Xuseen ”Geeldoox” oo la hadlay  Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkaasi uu uga dhaawacmay 1 Askari, islamarkaana ay iska caabiyeen Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in ciiidanka AMISOM ay weerarkaasi kadib tiro madaafiic ah ku gaaraaceen deegaano ku dhow dhow degmadaasi Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Lamana oga illaa iyo haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaaficda ay ciidamada AMISOM ku gaaraacen deegaanadaasi.

Dagaalayahanada Ururka Al Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ku qaada ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala deegaanada Gobolkaasi Shabeelaha Dhexe.