Kooxo Hubeysan oo Dil ka geestay Muqdisho iyo Xog dhameestiran oo laga Helaayo qaabka u dhacay?

Waxaa gelinkii dambe ee maanta degmada Dharkeynley gobolka Banaadir gaar ahaan Jiirada Macalin Nuur lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Dilka Askarigan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen koox ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaasi oo dilka kadib ka baxsadeen goobta.

Askariga ayaa la sheegay in isla goobta uu ku ruux baxay, maadaama Dableydii dilka geysatay ay rasaas badan kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa.

Askariga la dilay ayaa ilaalin jiray Kaalin shidaal oo ku taalla Jiirada Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley, sidoo kalena uu halkaasi uu ku lahaa ganacsi yar.

Ciidamada ammaanka degmada Dharkeynley ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo caawa halkaasi ka wada Howlgallo lagu raadinayo raggii ka dambeeyay dilka Askarigan.

Dilalka magaalada Muqdisho ka dhaca ayaa maalmahan waxa ay noqdeen kuwo soo batay, kadib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay Saddex dil ka kala dhaceen Suuqa Bakaaraha, degmada Yaaqshiid iyo degmada Xamar-weyne.