FIIRSO Sawirro: Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Militariga Soomaaliya oo isku dhiibay Shabaab

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in uu isu dhiibay Taliyihii Ciidamada Dowladda ee Ceelbuur Labo Xidigle Cabdullaahi Maxamuud Cali Xeynuuf iyo Qoyskiisa.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in Cabdullahi uu isaga iyo Qoyskiisuba ku noolaayeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kaddibna iska soo dhiibay Dhuusamareeb.

Waxaa ay sheegeen in ay Baladweyne tageen markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ka baxeen Magaalada Ceelbuur.

Labo Xidigle Cabdullaahi Maxamuud Cali Xeynuuf oo ku magac dheer Jareer ayey sheegeen in isaga iyo Xaaskiisa oo lagu magacaabo  Dahabo Xirsi Maxamuud  ay Maxkamad ku taalla Galguduud oo ay Al-shabaab leedahay kaga dhawaaqeen in ay ka towbad keeneen ka mid noqoshada Dowladda Soomaaliya.

4tii April 2017 ayey Ciidamada Itoobiya ka baxeen Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud,waxaana xilligaas la wareegay Ururka Al-shabaab oo ilaa hadda maamula.

Ma jiro war ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan in Taliyaha isdhiibay ka tirsanyahay Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Galguduud iyo in kale.