Qabiilkee Buu U Dhashay Naftiis Haligihii Isku Qarxiyay Beled Xaawo?

Warbaahinta Ku Hadasha Afka Al Shabaab ayaa Faafisay wareysi laga qaaday naftii Haligihii fuliyay weerarkii lagu daah furay dagaalkii xoogganaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo.

Axmad Jaamac Nuur (Zubeyr) oo u dhashay Qabiilka Reer Shabeelle  ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Andalus ka hor intii uusan fulin weerarka wuxuu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan dagaalka uu isaga ka aaminsan yahay Jihaadka  ah ee lagula jiro ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya.

Naftiis haligaha ayaa waxyaabo kala duwan ka hadlay, waxaase ugu waynayd in uu sheegay qabiilkiisa, sidoo kalena uu waxbadan rejo ka muujiyay in uu shihiidi doona waase sida uu aaminsan yahaye.

Alshabaab ayaa dhawr saacadood heysatay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, kaddib marki ay dagaal kala wareegeen ciidanka dawladda iyo kuwa Kenya.