Waxaa Somalia kusii xoogeysanaaya qabiilka la qarameeyay waxa ayna tani ka dhextaagan tahay dhammaan xarumaha dowladda Federaalka.
Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Somalia Axmed Yuusuf Muumin “Siraaji” ayaa isku badalay Xafiis qoys ka dib markii uu shaqaalaha inta badan ka dhigay kuwa ku heyb ah.
Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Axmed Yuusuf Muumin “Siraaji” ayaa Sanadkan shaqaleysiiyay 20 qofood oo ka soo jeeda Beesha uu ka dhashay ee Xawaadle.
Siraaji ayaa sanad walba Shaqaalaysiiya, tiro dad ah Kuwaasi oo aay yahiin isku beel Hoose, Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha DFS Iyo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda “Siraaji” ayaa isku dhacay Dhowr jeer ka dib markii aay isku mari waayeen’ dadka uu shaqalaysinayo ,oo uu inta badan ku soo xusho Beesha uu ka dhashay ee Xawaadle.
Qabyaalada ka dhex jirta xarumaha Dowladda ayaa gaartay heerkii ugu sareeyay waxaana xusid mudan in ay noqotay ”yaa kugu qabiil ah” taas oo ah wax laga xumaado.