Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Oo Arrin Layaab Leh U Tagay Baydhabo

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya C/rashiid C/lahi ayaa caga dhigtay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Wasiirka iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray halkaas waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin badan oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Siyaabo kala duwan ayaa loo fasirtay safarka wasiirka hasa yeeshee waxaa la aaminsan yahay in uu u tagay Baydhabo soo kormeerradda saraakiisha ugu sar sareysa garabka Mukhtar Rooboow ee dhawaan isa soo dhiibay kuwaas oo laftigooda kusugan deegaanka Abal ee gobolka Bakool.

Wasiirka waa ergey ay dawladda u dirsatay in uu soo xisaabiyo saraakiisha, agabka iyo xoog ahaan halka uu la eg yahay ciidanka Mukhtar ROoboow taabacsan, maadaama saraakiil ka socda ay iyagana Baydhabo kusugan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee weli heshiis muuqda oo dhammeystiran ma wada dhexmarin dawladda Soomaaliya iyo Mukhtar maadaama siyaasadda ay maalinba maalinta kadambeysa ay sii kaceyso oo mawjado ay furmayaan.