UPDATE:- Waa Halkee Goobta Rasmiga Ah Ee Uu Ka Dhacay Qaraxa?

Warar dheeri ayaa laga helayaa qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana la sheegayaa in uu qarax ahaa mid ismiidaamin ah, kaas oo ka dhacay agagaarka Hotel-Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Lama Hubo halka dhabta ah ee uu ka dhacay weerarka, hasa yeeshee waxaa loo badinayaa oo ay Goobjoogayaashu sheegayaan in uu yahay Hotel-ka Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay kuyaalla maqaayadda Xadra-Mindi sidoo kale Hotel-kii horey loo qarxiyay ee Dayax ayaa ka ag dhaw, balse kama hubo halka ay tahay.

Dhawaaqa gaadiidka AMBALACE-ta ayaa meelo kala duwan oo magaalada ah laga maqlayaa, waxaana Hotelkaan oo kuyaalla waddada Makka Almukarama uu ahaa mid kamid ah kuwa ugu mashquulka badan dhanka siyaasiyiinta.