UPDATE:- Alshabaab Oo Iskaga Baxay Balad Xaawo

Saakadii hore ayeey ahayd markii ay Alshabaab dagaal xooggan kula wareegeen degmada Beled xaawo ee gobolka Gedo Koonfurta SOomaaliya.

Warar cusub oo aan ka heleyno halkaas ayaa sheegaya in ay Alshabaab iskaga baxeen degmadaas, kadddib markii ay saacado gacanta ku hayeen.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen in ka badan 20 askari.

Balse dadka deegaanka oo cabsi badan qabay ayaa u sheegay warbaahinta in ay diyaaradaha dagaalka gaar ahaan nooca Qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka ay dul heehaabayeen degmada intii saacadda la ekeyd ee ay kooxda Alshabaab gacanta ku hayeen.

Si kastaba ha ahaatee degmada Balad Xaawo ayaa juqraafi ahaan muhiim u ah ciidanka AMISOM ee katirsan dawladda Kenya kuwaas oo xudduuddooda halkaas ka ilaalsanaya.