20 Neef oo lo’ah oo Shabaab ay ka soo dheceen Dad Shacab ah oo Ku Nool Jubbada Hoose ayaa lagu qabtay Degmada Qoryooley,sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegey Guddoomiye ku-xigeenka Shabeelaha Hoose Cabdifataax Xaaj Cabdulle
Labaatanka neef ayaa lasoo sheegayaa in Maleeshiyada Al-shabaab ay kasoo dhaceen meel u dhow degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay doonayeen in ay ka iibsadaan degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgal ciidamada Amniga ay sameeyeen lagu qab qabtay 20-ka Neef Lo’da ah.
Ururka Al-shabaab Lo’da ay soo dhaceen waxey usoo dhiibteen dad masaakiin ah oo ay qasbeen, waxey qorsheeyeen in deegaanada Sh/hoose ay u iib geeyaan, Balse howlagla aan sameynay ayaan ku qabanay”ayuu yiri C/fitaax Xaaji Cabdulle.
Al-shabaab ayaa falalkaan ka sameeya deegaanada ay ka arimyaan ‘balse talaabadaani ayaa noqonayso mid ciidanka amniga Dowladda Fedaraalka ku guuleesteen.