Sawir: Gaari Lagu Fulinayay Weerarada Ka Dhaca Muqdisho oo La Qabtay

Ciidamada amaanka Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay in ay  gacanta ku dhigaan 3 Nin oo hubeysan iyo Gaari NOAH ah oo labadii maalin ee u dambeysay Weeraro ka geystay Magaalada Muqdisho .

Gaarigaan ayaa kooxo hubeysan oo la socday maalin ka hor waxa ay Rasaas huwiyeen Gaariga Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Maamulka Degmada Dharkeynleey Cabdullaahi Xasan Afrax, waxaana ku dhintay Darawalkii Guddoomiye ku xigeenkaas halka 2 kale oo shacab ah ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale shalay raggaan hubeysan aaya rasaas huwiyay  Gaari ay leedahay Xildhibaan Sahro Cumar Maalin oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya taas oo hadda ku maqan Sacuudiga oo ay u aaday gudashada Xajka, laakiin gaarigeeda xilliga la weeraray waxaa ku dhaawacmay Darawalkeeda iyo Nin kale oo la socday oo dalka dibaddiisa ka yimid kaas oo dhalay Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug oo lagu magacaabo Catoosh.

Maamulka ayaa sheegay in gaariga lasoo qabtay kadib markii shacabka Degmada Dharkinley ay xiriir lasoo sameyeen Ciidamada islamarkaana haatan baaritaano lagu hayo ragga gaari la socday dhawaan warbaahinta lala wadaagi doono.