RASMI:- Abuu Mansuur Oo Kusii Jeeda Baydhabo

Warar naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay sheegayaan in ay halkaas ka bilawdeen soo dhaweyn iyo mashxarrad la iskugu diyaarinayo in loo sameeyo Wadaadka caanka ah ee Abuu Mansuur.

Sheekh Mukhtaar Rooboow ayaa June-tii kal hore ay Mareykan ka ka saareen liiska argigixisada, waxaana xigtay August in uu iskusoo dhiibay dawladda Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Gaashaandhigga DFS ayaa horaan u gaaray Baydhabo si ay usoo dhaweeyaan saraakiisha Abuu Mansuur lasocotay ee ka imaaneysa degmada Abal ee gobolka Bakool.

Abuu Mansuur ayaa muddo kaddib ku noqonaya magaalada Baydhabo oo uu kasoo jeedo, waxaana la sugay oo heegan la geliyay dhammaan ciidanka Amniga.

DHawaan ayaa la filayaa in uu ka ambabaxo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isagoo kusii jeeda dhanka Baydhabo.